Waa maxay jacayl maxa ku dareemi kartaa?
Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo
Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn
Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil. Jaceylku ma aha dareen keliya, jaceylku waa daryeel Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad Dambi sameyso Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah Jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda Qalbiga Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo

Comments
Post a Comment