Barashada dumarka iyo qof waliga majeclatay
[1] Runtii qofka markuu is ixtiraamo oo qof muxtaran ah iska dhigo hadal kiisa miisaano wuxuu dhahayana ka fiir sado intuusan oran ayuu noqdaa qof ixtiraaman balse ma ahan inuu doono ixtiraam asagoo karaamadii iska qaaday. Bal aynu isla eegno maqaalkan ay noo soo diraarisay gabar walasheen ah. [2] Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho marka la maro dadaal iyo daal badan. Ma rabtaa inaad noqoto qof la tixgaliyo oo la jecelyahay, hadaba isku tarbiyee sifooyinkan 20ka’ah: [3] Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta “ muusoodka “ Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka madhan laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaqba. [4] Ka fogow muranka iyo dood badanba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu’ida e. Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga. [5] Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ( kugu khaldama ) Iska ilaali cadhada siday d...